Banaabaxyo ka socda qaar ka mid ah dalalka Islaamka

0

Dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo Falalkaasi Guracan ee lagu gubay nuqulo kamid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ayaa waxay ka dhaceen qaar ka mid ah magaallooyinka waa weyn ee dalalka Islaamka.

Dibadbaxyaal fara badan ayaa isugu soo baxay magaallooyinka ku yaalla dalalka Iraq, Yemen, Afganistan, Falastiin iyo kuwo kale.

Boqolaal rag u dhashay dalka Afganistan waxay Dibadbax ka dhigeen Fagaaraha weyn ee magaalladda Khost oo ku yaalla Bariga dalkaasi, una dhow xuduudka dalka Pakistan

Dibadbaxyaasha reer Afghanistan waxay wateen Nuqulo Kitaabka Qur’aanka Kariimka, waxayna gubeen Calanka dalka Sweden.

Dibadbaxyaasha waxay ku dhawaaqayeen Hadalo ka dhan Dowladda Sweden iyo Xag-jirka
Rasmus Paludan.

Dhanka kale, inta badan Dowladaha Islaamka waxay cambaareeyeen falalka lagu gubay Nuqulo Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Dowladaha Somalia, Turkiye, Sudan, Masar, Iraq, Imaaraadka, Falastiin, Sacuudiga, Kuwait iyo kuwo kale waxay si kulul u cambaareeyeen falalka guracan ee lagu gubay Nuqulo Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

SHARE

LEAVE A REPLY