ATMIS oo shaacisay iney ku guuleysatay xalinta xisad ka taagneed Bardaale

0

War kasoo baxay howlgalka Kumeel gaarka ah ee Midowga Afrika loona soo gaabiyo ATMIS ayaa lagu sheegay in heshiis ay kala dhex dhigeen koox ku sugan Degmada Bardaale & maamulka Degmadaas oo bilihii u dambeeyay muran siyaasadeed uu ka dhex jiray.

Howshaan waxaa ATMIS u fuliyay saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee howlgalkaas u qaabilsan Deegaannada DG Koofur Galbeed, murankaan ayaa muddo soo jiitamayay iyada oo ugu dambeyn xal loo helay sida lagu sheegay warka.

Muranka ayaa salkiisu ahaa gargaar bani aadamnimo oo loogu talagalay in la gaarsiiyo goobaha ay adag tahay in la gaaro ee Gobolka Baay katirsan balse hadda wixii ka dambeeya qorshuhu yahay in la gaarsiiyo.

“Ciidamada ENDF ee ATMIS ayaa ku guuleystay in ay heshiis nabadeed kala dhex dhigaan kooxo muran siyaasadeed dhex maray ee degmada Berdaale ee maamulka Koonfur Galbeed ka dib muddo bilo ah oo uu muranka taagnaa” ayaa lagu yiri war lagu daabacay barta ATMIS.

“Ciidamada ATMIS ayaa sidoo kale sugay amniga goobta intii uu socday wada hadalka, taasoo suurtagelisay in dib loo bilaabo gargaarkii la gaarsiin lahaa goobaha ay adag tahay in la gaaro ee gobolka” ayaa lasii raacsiiyay qoraalka.

SHARE

LEAVE A REPLY