ATMIS iyo Booliiska Soomaaliya oo siyaabo kala duwan uga hadlay qaraxii Maanta

0

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin hordhac ah ka bxiyay qarax duhurnimadii Maanta ka dhacay agagaarka Isgosyka KM4 ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay dhaawacyada sedax qof oo haween ah.

Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay gaari noocisu yahay JAMES oo ah nooca xamuulka qaada oo la socday kolanyo ka tirsan ciidanka ATMIS xili uu maraayay wadada gasha isgoyska KM4, gaar ahaan agagaarka xarunta CID-da.

“KM4 wadada aada Tarabunka, gaar ahaan agagaarka xarunta CID-da ee ka soo horjeedka Hotel Giyajo, waxaa ka dhacay qarax ka dhashay gaari noociisu yahay JAMES oo xamuulka qaada, kaas oo ka mid ahaa kolonyo Ciidanka ATMIS qeybtooda Burundi” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Booliiska Soomaalyeed.

Booliska Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in qaraxa uu sababay dab gaariga qabsaday, islamarkaana sababay dhaawacyo u badan gubasho gaartay ilaa 3 qof oo shacab ah oo goobta ka ag dhawaa, islamarkaana ciidanka Booliiska ay gurmad u fididiyeen dadka shacabka ahaa.

Dhnaca kale qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidanka ATMIS ayaa lagu sheegay in kolanyo ka tirsan ciidanka ATMS lagu weeraray duhurnimadii Maanta agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, islamarkaana ay wadaan baaritaano ku aadan weerarkaasi.

“Abaare 14:02 Saac ayaa Kolonyo ATMIS ah waxaa lagu weeraray Agagaarka KM4 ee Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho. Waxaa socda qiimaynta xaaladda amni” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska ATMIS.

Wararka kasoo kala baxay Booliiska Soomaaliya iyi ATMIS ayaa ah kuwa kala duwan, hayeshee labada dhinacba waxay sheegeen iney wadaan baaritaan la xariira qaraxa, islamarkaana laga sugayo soo bandhigusta xogta rasmiga ee qaraxa.

SHARE

LEAVE A REPLY