Askari horay u dilay Taliyahiisii oo Maanta Toogasho lagu fuliyay

0

Waxaa saakay oo Jimco ah Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ay xukun dil toogasho ah ku fulisay Askari ka tirsana ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Daa’uud Sheekh Xasan oo la sheegay inuu horay si bareer ah u dilay Taliyahii Ururka 59-aad ee gaadiidka xoogga dalka Dhame Cabdi Maxamed Axmed oo loo yaqiinay Huradaaye.

Xukunkq Toogashada ee Maanta lagu fuliyay Cabdinaasir Daa’uud ayaa ka dhacay fagaaraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho, waxaana goob joog ka ahaa fagaaraha toogashada ka dhacday xubno ka tirsan Maxkamada ciidamada, saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga iyo qaar ka mid ah ehelada labada dhinac.

Maalmo kooban ayaa kasoo wareegatay markii Maxkamadda ciidamada qalabka sida ay xukun dil toogasho ah ku riday Cabdinaasir Daa’uud oo qirtay inuu 29-kii September 2022 uu si bareer ah u dilay Taliyihiisii Ururka 59-aad ee gaadiidka xooga dalka Dhame Cabdi Maxamed Axmed Hurdaaye, sidoo kalena uu dhaawacay laba qof oo shacab ahaa.

Si kastaba ha ahaatee Xidigle Cabdinaasir Daa’uud ee Maanta toogashada lagu fuliyay ayaa horay u sheegay in sababta taliyahiisii uu u dilay ay aheyd inuu ka waayay xaquudii Mushaarkiisa, saakay ayaana ugu dambeyn asna dil toogasho ah lagu fuliyay.

SHARE

LEAVE A REPLY