Askari horay u dilay Sarkaal ciidan oo laga soo qabtay dalka Suudaan

0

Booliiska Koofurta Suudaan ayaa dhiggiisa Soomaaliya u gacangeliyay Sakariye Cali Axmed Cosobow oo ku eedeysan in uu Muqdisho gaar ahaan Degmada Dayniile waaxda Kordamac uu ku dilay Cali Xasan Siyaad (Cali Tareen) 27kii July 2022 oo ay kawada tirsanaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Gaashaanle Sidiiq Aadan Cali (Doodishe) ayaa sheegay in ay kaashadeen Booliiska Caalamiga ah ee Interpol oo dalalka xubnaha ka ah u suuragelinaya in lasoo qabto qofka baxsad ah ee Dalka jooga.

Sidiiq Doodishe ayaa sheegay in Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo kiiska Sakariye gacanta ku haya ku wareejiyay si kiiskiisa loogu gudbiyo Maxkamadda awoodda u leh in ay go’aan ka gaarto.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in qof weliba oo dambi gala ee baxsada in  dalka lagu soo celin doonno, taasi ayuu tilmaamay in ay la kaashanayaan Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL & Booliiska waddanka uu eedeysanaha u baxsado.

“Diyaaraddii sidday eedeysane Sakariye Cali Axmed Cosobow ayaa soo gaartay Muqdisho, waxa uu 27kii July 2022 uu dil bareer ah u geystay Marxuum Cali Xasan Siyaad (Cali Tareen) kaddibna uu u baxsaday Koofurta Suudaan, Booliiska Soomaaliyeed oo kaashanaya waaxda arrimaha dibadda ee Interpol la shaqeysa ayaa suurageliyay in eedeysanaha lasoo qabto oo Booliiska Koofurta Suudaan soo wareejiyo” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY