Askar ka tirsan Ciidanka Uganda oo 6 maalmood ku dhuumanayay Saldhiga Al-shabaab

0

Afar askar oo ka tirsan ciidamada Uganda ayaa muddo lix maalmood ah is qarinayey, si ay uga badbaadaan Al-Shabaab oo la wareegtay saldhiggoodii Buulo Mareer.

Afhayeen u hadlay ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Sareeye Guuto, Felix Kulaigye, ayaa sheegay in askartan ay ka badbaadeen weerarkii Alshabaab iyagoo ku dhuumaaleysanayay gudaha iyo hareeraha Saldhigga la weeraray ee Buulo Mareer.

Wuxuu sheegay in askartan la helay kadib markii ciidamada Uganda ay dib ula wareegeen saldhigga Buulo Mareer, khamiistii todobaadkii lasoo dhaafay.

“Markii aan saldhigga kusoo laabanay ayaan la kulannay askartan oo aad u tabar yareeyay gaajo iyo harraad darteed, sababtoo ah waxay noolaayeen oo ay ku badbaadeen kaadidooda oo kaliya,” ayuu yiri Kulaigye.

Waxa uu sheegay in mid kasta oo ka mid ah uu kaligiis ku dhuumanayay meel gaar ah.

Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu madaxweyne Yoweri Museveni sheegay in 54 askari Uganda looga dilay weerarkii 26-kii bishan.

Uganda ayaa Soomaaliya u soo dirtay koox uu hogaaminayo taliyaha ciidamada dhulka Lieutenant General Kayanja Muhanga si ay u baaraan weerarka.

Museveni waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay laba taliye oo uu ku tilmaamay inay khalad sameeyeen isagoo sheegay inay ciidanka ku amreen inay dib u gurtaan.

SHARE

LEAVE A REPLY