Amnesty International oo ku baaqday in deg deg loo joojiyo dagaalka laascaanood

0

Iyadoo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool uu galay maalintii Shanaad oo xiriir ah ayaa waxaa isa soo tarayo baaqyada kala duwan ee ku aadan joojinta dagaalka Laascaanood.

Hay’adda xaquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa soo saartay qoraal ay ku sheegeyso iney ka walaacsan tahay xaalada laga soo sheegayo magaalada Laascaanood ee sababtay dhimashada, burburka iyo barakaca baahsan ee ka dhashay dagaalka Laascaanood ku dhexmaraya maalintii Shanaad oo xiriir ah ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka Laascaanood.

“Waxaan si dhow ula soconaa dhibaatada ka taagan Laascaanood, waxaan aad uga argagaxnay warbixinada sheegaya in dad badan la dilay, la dhaawacay, lana barakiciyay, iyo burbur soo gaaray guryo iyo Isbitaal” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Amnesty International.

Qoraalka kasoo baxay Amnesty International ayaa loogu baaqay dhinacyada isku haaya dagaalka ka socda magaalada Laascaanood iney deg deg u joojiyaan xadgudubyada iyo dilalka sharci darada ah.

Warkaan kasoo baxay Amnesty International ayaa imaanaya, iyadoo horay baaqyo kala duwan oo lagu dalbanaayo in deg deg loo jiijiyo dagaalka Laascaanood ay soo sareen dowladda Fedaraalka Soomaaliya, Mareykanka, Qaramada Midoobay, iyo Beesha Caalamka.

SHARE

LEAVE A REPLY