Amar kasoo baxay Cali Jeyte oo ka dhaqan galay magaalada Baledweyne

0

Waxaa sakaay ka dhaqan galay amar kasoo baxay Cali Jeyte Cismaan oo sheegtay inuu yahay hoggaamiyaha ku meel gaarka ee maamulka Hiiraan State, kaasoo in muddo 4 maalmood ah uu xiran yahay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

Amarka kasoo baxay Cali Jeyte ayaa ahaa in garoonka Ugaas Khaliif Baledweyne aysan kasoo dagin wax diyaarad ah marka laga reebo kuwa ATMIS iyo tan qaadka keenta.

Majirto wax duulimaad shacab ah oo sakay kasoo dagay garoonka Ugaas Khaliif, waxaana taasi ay keentay inuu dhaqan galo amarka Cali Jeyte Cismaan oo dhawaan madaxweynaha Hirshabeelle uu ka qaaday xilkii guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Amarkaan ayaa ah mid la xariira xifaaltan dhanka dhaqaalaha kasoo baxa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif iyo kastanada kale ee Canshuurta lagu qaado, waxaana dhici karta sida muuqata in lagu dagaalamo ilaha dhaqaalaha gaar ahaan kastanada Canshuurta haddii khilaafka hadda taagan uu sii jiro.

Dhinaca kale afhayeenka madaxtooyada Hirshabeelle ayaa been abuur ku tilmaamay warqada amarka ee kasoo baxday Cali Jeyte, islamarkaana sheegay inuu shaqeynayo garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif Baledweyne.

“Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Hirshabeelle waxay beenineysaa Warqadaha been abuurka ah ee saacadihii lasoo dhaafay lagusoo faafiyay baraha bulshada, Wasaaradu waxay fareysaa dhamaan Shirkadaha Duulimaad-yada iyo Bulshada Soomaaliyeed in Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne uu shaqadiisa maalinlaha ah wadan doono. Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay duruuf kasto ugu shaqeyneysaa Bulsho weynta Hirshabeelle” ayuu yiri Afhayeenka madaxtooyada Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Ciro.

SHARE

LEAVE A REPLY