Al-shabaab oo weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaaday deegaan u dhaw Baledweyne

0

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa arroornimadii hore ee saaka weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday deegaan hoostaga magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay Saldhig ku leeyihiin Ciidamada Gorgor ee dowladda Federaalka Soomaaliya

Weerarka ayaa lagu qaaday degaanka Burdaar oo hoostaga magaalada Baladweyne, waxaana jugta qaraxa ay aheyd mid si weyn loo maqlay, qaraxa kadib ayaa waxaa ka dhacay dagaal toos ah oo dhexmaray Al-shabaabkii weerarka soo qaaday iyo Ciidanka.

Khasaaro kala duwan ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay weerarka, in kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay, maadaama xaaladda degaanka Burdaar ay tahay mid kacsan.

Saraakiisha dowladda Federaalka ee Gobolka Hiiraan iyo Maamulka Hirshabeelle ayaan weli ka hadlin weerarka ku bilowday qaraxyada ee saaka oo jimco ah Al-shabaab ku qaaday Saldhig Ciidanka Gorgor ay ku leeyihiin degaankla Burdaar ee Hiiraan.

SHARE

LEAVE A REPLY