Al-shabaab oo weerar culus ku gashay deegaanka Galcad

0

Wararka nagasoo gaaraya degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saakay aroortii ay halkaasi weerareen dagaalamayaasha kooxda Alshabaab.

War ay Alshabaab kusoo qoreen bartooda internetka waxay ku sheegeen inay la wareegeen Galcad, kadib markii weerar qaraxyo ku bilowday kusoo qaadeen saldhigii ciidamada dowladda ee halkaas.

Warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan inuu weerarkaan ku geeriyooday taliye ku xigeenkii ciidanka Danab, Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan Tuure).

Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan Tuure), ayaa kamid ah saraakiisha lafta dhabarta u ah howlgalka deegaano badan looga xoreeyay kooxda Alshabaab.

Alshabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay weeraro ku qaadayay dhulka laga qabsaday. Horey waxay u weerareen deegaannada kala ah, Hilowle Gaab iyo Xawaadley oo katirsan Shabeelada dhexe.

SHARE

LEAVE A REPLY