Al-shabaab oo weerar culus ka geysatay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal Degmada Kaxda ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ‘AS’ xalay waqti dambe, dagaalkaan waxa uu ka dhacay Saldhigga Booliiska, Xarunta Degmada Kaxda iyo goobo kale oo amniga laga ilaaliyo.

Ugu yaraan labo ruux ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen halka ay dhaawacmeen in ka badan saddex kale, khasaaraha ayaa intaas ka badan kara maadaama waqtigii dagaalkaas uu dhacayay Dadka guryahoodu ay joogeen.

Dowladda Federaalka weli faah-faahin kama bixin dagaalkaan ka dhacay Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, waxaana geeska kale howlgallo baaris ah wada ciidamada ammaanka si ay u ogaadaan xogta dagaalkaas.

Dadka deegaanka ayaa saakay iska xog-warreysanaya xaaladda iyo haddii waxyeello kasoo gaartay hubka la isku adeegsaday xiligii uu socday dagaalka dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya & ‘AS’ sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

SHARE

LEAVE A REPLY