Al-shabaab oo shaacisay iney dileen 70 ka mid ah ciidanka dowladda

0

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ku qaaday deegaanka Masagaway ee gobolka Galgaduud, halkaas oo saldhig u ah ciidamada milatariga iyo kuwa dadka deegaanka.

War kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegeen in saakay u suurto gashay in ay la wareegaan deegaanka Masagaway, gaar ahaan saldhigyadii ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda ee lagu soo tababaray dalka Eritrea.

Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarka saakay iyo weerar kale oo jid gal ahoo ka dhacay duleedka Masagaway ku dileen 73 askari , waxa ay sidoo kale sheegeen Al Shabaab in ay la wareegeen gaadiid dagaal ay lahaayeen ciidanka dowladda.

Warkan kasoo baxay Al Shabaab ayeysan jirin cid xaqiijin karta run ahaanshihiisa, waxaana dowladda Soomaaliya saakay dhankeeda sheegtay in ay fashiliyeen weerarkii Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Masagaway.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidanka milatariga iyo kuwa dadka deegaanka Al Shabaab uga dileen deegaanka Masagawaay 30-nin, waxa ay sidoo kale dowladda dhankeeda sheegtay in saddex gaari looga qabsaday Al Shabaab mid kalana la gubay.

SHARE

LEAVE A REPLY