Al-shabaab oo ka hadashay wararka sheegaya iney qeyb ka tahay dagaalka Laascaanood

0

Ururka Al-shabaab ayaa iska fogeeyay sheegashada maamulka Soomaaliland ee la xariirta in dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab qeyb ka yihiin dagaalka ka socda magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Al-shabaab ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay si adag u beenisay hadalka Soomaaliland ee ah in dagaalyahanadeeda qeyb ka yihiin dagaalada ka socda Laascaanood.

“Xarakada Al-Shabaab waxay xaqiijinaysaa in hadalka kasoo yeeray maamulkaas uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn. Xarakada Al-Shabaab ma aqbalayso in magaceeda laga dhigto marmarsiiyo lagu banaysto nafta, maalka iyo sharafta bulshada reer Laascaanood” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-shabaab.

Masuuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa marar badan warbaahinta u sheegay in dagaalka Laascaanood ka socda ay qeyb ka yihiin xubno ka mid ah dagaalyahanada Al-shabaab, waxaana xusid mudan in wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud uu ka mid yahay masuuliyiinta sheegtay in Shabaab qeyb ka yihiin dagaalka ka socda Laascaanood.

“Waxaan heynaa oo aanu diiwaan-gelinay in maleeshiyaad iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyada milatariga” ayuu yiri Wasiir Kayd oo la hadlay BBC-da qeybteeda afka Ingiriiska ku hadasha.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Somaliland ay nolosha ku hayaan maxaabiis ka tirsan ururka Al-shabaab iyo ciidamada maamulka Puntland, kuwaas oo uu tilmaamay in lagu qabtay dagaalada ka socda magaalada Laascaanood

Gabagabdii warka kasoo baxay Al-shabaab oo ay isaga fogeysay sheegashada Somaliland ayaa imaanaya, iyadoo dagaalo xoogan oo geystay khasaare kala duwan oo naf iyo maalba leh ay ka dhaceen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool afartii maalmood ee lasoo dhaafay.

SHARE

LEAVE A REPLY