Al-shabaab oo faarujisay deegaano ku yaala duuleedka Dhuusamareeb

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa bilowday inay ka cararaan degaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo hoos yimaada magaalada Dhuusomareeb, halkaas oo uu ka socda guluf dagaal oo lagu xoraynayo degaanada Shabaab ku sugan yihiin.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in kooxda Alshabaab ay faarujiyeen degaano qiyaastii 50km dhinaca bari uga beegan magaalada Dhuusomaeeb, iyagoo cabsi ka muujinaya wajiga labaad ee howlgalka lagu xoreynayo Hirshabeella iyo Galmudug.

Maalintii sabtida, Alshabaab ayaa ciidamadeeda kala baxday deegaanka Ceel-lahelay oo ku dhow magaalada Dhuusamareeb. Waxayna inta aysan bixin dadka degaanka ku wareejiyeen gaadiid ay xoog uga haysteen in muddo ah.

Waxaan xogta ku ogaanay in Alshabaab ay hubkooda waawayn geysteen degmada Ceelbuur iyo degaanada kale ee ay ku xooggan yihiin

Ka bixitaankooda ayaa ku soo beegantay xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb.

Halkaasoo uu ku sugnaan doono muddo aan la shaacin, si loo dar dar galiyo wejiga labaad ee dagaalka ay dowladdu kula jirto Al-shabaab.

Ka bixitaanka Alshabaab ee degaanada bariga Galgaduud waxay kusoo aaday, iyadoo shalay raysal wasaaraha Soomaaliya uu ku dhawaaqay inuu si rasmi ah u bilowday wajiga labaad ee duullaanka ka dhanka ah Alshabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY