Al-shabaab oo digniin culus u jeedisay Warbaahinta madaxa Banaan

0

Kooxda Alshabaab ayaa digniin xooggan u dirtay warbaahinta Soomaaliyeed iyadoo uga digtay inay la saftaan dowladda, iyadoo dhanka kale ugu baaqday inay shaqadooda u gutaan waxay ugu yeertay amaano iyo hufnaan.

Bayaan kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu yiri,” Waxaan halkan uga digeynaa dhamaan warbaahinta ka shaqeysa gudaha Soomaaliya inay ka qayb qaadato dagaalka ka dhanka ah Shareecada Islaamka. Warbaahin kasta oo si bareer ah ama si dadban ula safata xukuumadda Soomaaliya, waxaan u aqoonsaneynaa inay qayb ka tahay duullaanka.”

Alshabaab waxay kaloo dhamaan saxafiyiinta ka hawlgala Soomaaliya ugu baaqeen inay mihnadooda saxaafadeed u gutaan si hufan oo sidqi iyo amaano ku dheehan tahay.

Hadalka kooxda Alshabaab ayaa kusoo aaday maalin kadib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay xirtay 40 Channel oo lagu faafin jiray dacaayadaha kooxda Alshabaab, iyadoo dhinaca kale dowladdu digniin ujeedisay warbaahin kasta oo faafisa wararka Alshabaab, sheegtayna in tallaabo laga qaadayo.

Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale qadkii internetka ka jartay Xasan Daahir Aweys oo la sheegay inuu si toos ah afkaarta Alshabaab ugu dhex dhaafin jiray baraha bulshada.

SHARE

LEAVE A REPLY