Afhayeenka Shabaab Cali Dheere oo ugu dambeyn soo hadlay

0

Ururka Alshabaab ayaa soo bandhigay farriin maqal ah oo ka timid afhayeenka guud ee kooxda Alshabaab, Cali Dheere, maalmo kadib markii la sheegay inuu ku geeriyooday dagaal ka dhacay deegaanka Ceel Qooxle ee gobolka Hiiraan.

Alshabaab ayaa sheegay inuu Cali Dheere farriintaan kasoo diray deegaanka deegaanka Yasooman, halkaas oo ay sheegeen inay shalay subax dagaal ku qabsadeen, islamarkaana ay ku dileen in ka badan 117 askari oo ciidanka dowladda iyo macaawisleyda katirsan, kuna furteen hub iyo gaadiid dagaal.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay beenisay in Shabaab qabsaday Yasooman, haddana kooxdu waxay sheegtay in Afhayeenkoodu tagay Yasooman, halkaasna uu kasoo diray farriinta ku saabsan dagaaladii ay shalay ku qaadeen dhowr deegaan.

Alshabaab ma aysan soo bandhigin wax caddeymo ah sida sawir iyo muuqaal muujinaya qabsashadooda Yasooman iyo inuu halkaas tagay Cali Dheere, oo warar maalmahan dambe soo baxayay ay sheegayeen inuu u ku geeriyooday dagaalkii Ceel Qooxle.

Kalmad toban daqiiqo soconaysay ayuu Cali Dheere farriin hanjabaad ah ugu diray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa macaawisleyda, isagoo sheegay inay ku beegsanayaan meel kaste oo ay joogaan.

SHARE

LEAVE A REPLY