Afar ka mid ah askarta dowladda oo dil toogasho ah lagu fuliyay

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah xukun dil toogasho ah ku fulisay afar askari oo ka tirsana ciidamada dowladda Soomaaliya.

Askarta la toogtay ayaa ka kala tirsana qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya sida Militariga, Nabadsugida iyo Booliiska, kuwaas oo loo heystay dilal ay horay u geysteen.

Afarta askari ee xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa lagu kala magacaabi jiray Bukhaari Cawil Maxamuud oo ka tirsan ciidanka NISA , Cali Maxamuud Xuseen oo ka mid aha Militariga Soomaaliya, Maxamed Nuur Sheekh Waarre iyo Cabdirisaaq Axmed Mukhtaar oo labadaba ka tirsanaa Booliska Soomaaliya.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale sheegtay in raggaan ka tirsan qeybaha kala duwan ee ciidanka dowladda Soomaaliya in dhamaantood horay u dileen askare kale oo ay hayeen shaqo wadaag.

Xukunta dilka toogashada ah ayaa ka dhacay fagaaraha Iskuul Buluusiya, waxaana ku sugnaa goobta saraakiil ka tirsan Maxkamadda ciidamada iyo askarta fulisay xukunka toogashada ah.

Waxaa jira askar kale oo ka tirsan ciidanka dowladda oo Maxkamadda darajada kowaad ee ciidamada ay dhawaan ku riday xukuno dil ah oo la sugayo fulintooda, kuwaas oo ay ka mid yihiin laba askari oo dilal bareer ah degmooyinka Xamarweyne iyo Balcad ugu kala geystay labada qof oo shacab ahaa oo ay u dileen lacag dhan 5 kun oo Shilin Soomaali ah.

SHARE

LEAVE A REPLY