7 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

0

Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysaysan ka sameeyay deegaanka Miido oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa howlgalkooda ka fuliyay nawaaxiga deegaanka Miido oo qiyaas ahaan degmada Afmadoow u jirta 26 KM, waxayna halkaasi ku burburiyeen ciidamada xarumo kooxda Al-shabaab ku lahayeen.

Taliyaha Ururka 5-aad ee guutada 16-aad ee ciidanka Kumaandooska Danab Carab Dheeg Axmed ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in holwgalkaasi ay ku dileen 7 ka mid ah dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab oo uu ku jiro Sarkaal magaciisa uu kusoo koobay Asad, islamarkaana lagu dhaawacay 5 xubnood oo kale.

Wuxuu sidoo kale Taliyaha uu sheegay in howlgalka ay ciidamada kusoo qabsadeen hub kala ah 4 qori oo Ak47 ah iyo 1 qori BKM ah oo ay Soomaalida u taqaano Dabajeex, isagoona xusay iney sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa mudoiyinkii dambe deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ka waday howlgalo ka dhan ah Al-shabaabka ku sugan deegaanadaasi.

SHARE

LEAVE A REPLY