54 dagaalame oo Shabaab looga dilay Hiiraan

0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macaawisleyda ayaa ku dhawaad 50 ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku dilay meel u dhow degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Howlgal ka dhacay deegaanka Yasooman oo hoos taga degmada Buulo burte, ayaa lagu dilay 45 dagaalame, halka 9 kalena lagu dilay tuulada Warmaxan oo katirsan gobolka Shabeellada hoose.

Sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, intii ay socdeen howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab, waxaa lagu dilay 200, waxaana laga xoreeyay 30 tuulo. Waxaana howgaladan iska kaashaday ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya:-

WAR SAXAAFADEED

MOGADISHU,18-09-2022: Howlgal culus oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka oo ka socda deegaanka Yasooman oo hoos taga degmada Buula-burde ayaa lagu dilay ilaa iyo hadda in ka badan 45 dhagar qabeyaal ah oo ka tirsan Al-Shabaab. Howlgalkaan oo wali socda ayay dowladda Soomaaliya war ka soo saari doontaa marka uu soo dhammaado.

Dhanka kale Ciidamada Xoogga Dalka ayaa toogtay sagaal dhagar qabeyaal ah oo ka tirsan Al-shabaab ka dib hawlgal ka dhacay deegaanka Warmaxan ee gobalka Shabeelaha Hoose halkaas oo ay isku dayayeen in ay si dhuumaalaysi ah isaga abaabulaan.

Howlgalka deegaanka Warmaxan inta uu socday waxaa dhaawac uu ka soo gaaray Saddex ka mid ah ciidamada geesiyaasha ah ee Qaranka.

Inta ay socdaan howlgalada ka dhanka ah Argagixisada waxaa lagu dilay in ka badan 200 oo ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaan laga saaray maleeshiyaadka ku dhowaad 30-deegaan oo ay dadka Soomaaliyeed ku gumaadi jireen.

SHARE

LEAVE A REPLY