50 ruux oo ku geeriyootay shil baabuur oo ka dhacay Kenya

0

Ugu yaraan 50 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen shil gaari oo ka dhacay Magaalada Londiani ee dhacda Galbeedka Dalka Kenya, shilkaan ayaa yimid kaddib markii Gaari nooca Xamuulka qaada oo siday Konteenar uu waddada ka baxay.

Gaariga ayaa burburiyay Gawaari kale oo ay la socdeen dadka dhintay sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Hay’adaha Kenya ee Qaabilsan dhinaca ilaalinta shuruucda Waddooyinka oo shilka kaddib goobta gaaray.

Muuqaallada laga soo duubay goobta uu shilka ka dhacay oo Warbaahinta baahisay waxaa ka muuqday baaxadda shilkaas uu gaarsiisan yahay iyada oo goobta lagu arkay Gawaari burbur xooggan soo gaaray iyo dhiig badan oo waddada daadsan.

Dad badan oo waxyeello kasoo gaartay shilka ayaa la geeyay Goobaha Caafimaadka si looga daweeyo dhaawacyada ka muuqda iyo kuwa qarsoon ee u baahan in la hubiyo si haddii uu jab jiro loo kabo sida uu sheegay qof kamid ah dadka goobjoogga u ahaa dhacdadaan.

Taliyaha Booliiska Gobolka Tom Odera ayaa sheegay in dhimbashadu ay ka badan karto tirada sida hordhaca ah loo shaaciyay oo ah ugu yaraan 48 ruux maadaama weli ay jiraan dad lala tacaalayo si ay u helaan daryeel caafimaad.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka waxa uu Musiibo ku tilmaamay shilkaan isaga oo tacsi u diray ehelka dadkooda dhibaatadu kasoo gaartay shilkaas lana murugoonayaan.

“Dalku waxa uu la murugeysan yahay qoysaskii eheladooda ku waayay shilka bahalnimo ee ka dhacay Magaalada Londiani” sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya William Ruto oo qoraalkaan soo dhigay Bartiisa Twitter-ka.

Waa shilkii ugu khasaaraha badnaa ee Kenya ka dhacay, weli Dowladdu ma shaacin waxa sababay iyada oo ay Hay’adaha u xilsaaran ay billaabeen dib u daabashada muuqaallada ay duubeen Kaamirooyinka waddooyinka ku xiran si ay u ogaadaan qodob ay la hor tegi karaan Warbaahinta si ay ugu soo daraan warbixintooda.

SHARE

LEAVE A REPLY