49 ka mid ah Al-shabaab oo lagu dilay dhul beereed ku yaala Shabeellaha Dhexe

0

Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka xoogga dalka, kuwa dadka deegaanka, ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo garab ka helaya Saaxiibada Caalamka in lagu dilay 49 ka mid ah Shabaab oo isku aruursanaayay dhul beereedka Sheekh Qaasim.

Dhul beereedka la sheegay in lagu dilay xubnahaan ka tirsan Al-shabaab ayaa ku yaala Tuulada Dhagaxoow oo hoostaga deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo qiyaas ahaa 20 KM u jirta degmada Balcad.

“Khawaarijta halkaan waxay ku haysteen dhaawacyo badan oo ayaga ka mid ah, kuwaas oo horay ugu soo dhaawacmay dagaallada dalka looga xoraynayo, qaarkood ayaana howlgalkaan lagu dhammaystiray. Howlgalka inta uu socday Khawaarijta waxaa laga soo celiyay Gaadiid Dagaal oo ay horay u qaateen kuwaas oo uu ku jiro Gaari uu saaranyahay qoriga Zuu-ga, waxaana sidoo kale howlgalka lagu burburiyay Gaadiid dagaal iyo saanad ciidan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Warkaan kasoo baxay dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalka uu ku geeriyooday hal askari oo ka tirsan ciidanka Qaranka inta uu socday howlgalka, islamarkaana dhaawac uu soo gaaray saddex kale oo ka tirsan ciidamada dowladda.

Warsaxafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in ciidamada iskaashanaya ay wali baacsi ku sii hayaan dagaalamayaasha Shabaab oo qaarkood ku go’doonsan beeraha iyo geedaha hoostooda.

Howlgaladaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo kooxda Al-shabaab maalin ka hor ku weerareen deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe ilaa sadax qarax oo Ismiidaamin ah oo uu xigay dagaal toos ah oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

SHARE

LEAVE A REPLY