10 sano kadib oo Al-shabaab lagala wareegay deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan oo qiyaas ahaan magaalada Baledweyne kaga beegan dhanka Koonfureed ilaa 45 KM ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ay goordhaw oo Maanta ah la wareegeen deegaankaasi.

Ciidamada Maanta la wareegay deegaanka Booco waxaa hoggaaminaayay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ka howlgasha gobolka Hiiraan.

Majirto wax dagaal ah oo ka dhacay deegaanka Booco, waxaana la sheegay in ciidankii Al-shabaab ee ku sugnaa deegaankaasi ay isaga baxeen deegaanka ka hor inta aysan gudaha u galin ciidamada iskaashanaya ee xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dib u xureynta deegaanka.

Deegaanka Booco waxa uu ka mid ahaa deegaanada Al-shabaab ay ka talinayeen dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay, waxana halkaasi ugu yaalay Maxkamado ay u garsoor tagi jireen dadka ku dhaqan Baledweyne iyo Saldhigyo waa weyn, waana markii ugu horeysay oo ay ciidamada dowladda deegaankaasi gacanta ku dhigaan mudo ka badan 10 sano

Bishii June ee sanadkaan ayay aheyd markii Maleeshiyo beeleed is abaabulay ay weerar xoogan ku qaadeen deegaanka Booco, kuwaas oo ka carooday dil Al-shabaab ay u geysteen Nabadoonkooda oo lagu magacaabi jiray Cali Macalin Maxamuud Cali Dheere oo si weyn looga yaqiinay gobolka Hiiraan.

SHARE

LEAVE A REPLY