Ku dhawaad 10 ruux oo sabab yaab leh loogu dilay gudaha magaalada Muqdisho

0

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay in Xalay gudaha magaalada Muqdisho ay ka fulisay howlgal qorsheysan oo ay ku dishay ilaa 7 ruux oo ay sheegtay iney ahayeen kuwa isugu jiray burcad dadka dhacda, kuwa maan dooriyaha iibiya iyo kooxaha Ciyaal weerada magaalada Muqdisho.

Kooxda ayaa war qoraal ah oo ay ku baahisay baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegtay in howlgalkooda ay ku beegsatay goobo lagu isticmaalayay waxyaabaha maanka dooriya oo ku yaala xaafado ka tirsan degmooynka Yaaqshiid iyo Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Weerarka koowaad ayay sheegatay kooxda Al-shabaab iney ka fulisay goob lagu isticmaalayay maan dooriyaha oo ku taala Xaafada Cali Turcaaye, islamarkaana ay ku dileen afar ruux oo goobta ku sugneyd oo ay sheegeen iney isugu jireen burcad, Ciyaal weero iyo kuwa iibinaayay maan dooriyaha.

Weerarka labaad ayaa ka dhacay Xaafada Godey ee degmada Yaaqshiid, kaasoo Ururka Shabaab ay sheegteen iney ku dileen sadax ruux oo kale oo ay ku sheegeen iney ahayeen Ciyaal weero iyo burcad dadka dhac u geysaneysay.

Ururka Al-shabaab ayaa weeraradaan ay ku beegsanayaan kooxaha Ciyaal weerada, burcada iyo kuwa iibiya maan dooriyaha ku sheegtay inuu yahay mid daba socdo dalab uga yimid shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

SHARE

LEAVE A REPLY