๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ โ€œ๐—›๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐˜†๐—ป๐˜‚ ๐—๐—ฒ๐—ฒ๐˜…๐—ป๐—ฎ๐˜† ๐—ช๐—ฎ๐—ฑ๐—ผ ๐—–๐˜‚๐˜€๐˜‚๐—ฏ ๐—ข๐—ผ ๐—ฆ๐—ถ ๐——๐—ฎ๐—ฎ๐—ต๐—ณ๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐—Ÿ๐—ผ๐—ผ๐—ด๐˜‚ ๐—ง๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—บ๐—ถ ๐——๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ผ ๐—•๐—ผ๐—ผ๐˜€๐—ฎ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ผ ๐—˜๐—ฒ ๐——๐—ผ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎโ€

0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qayb galay munaasabadda shaacinta natiijada saddexdii kun ee macallin dowladdu qaadatay oo maanta si toos ah u soo gabagabeysay Wasaaradda Waxbarshada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare.

Xukuumadda DanQaran oo xoojinaysa qorshaheeda mudnaanta u leh ee la xiriira kor u qaadida waxbarashada ayaa imtixaan daah furan u fariisisay macallimiin gaaraya ilaa siddeed kun oo macallin taasi si rasmi ah loogu dhawaaqay intii guulaysatay

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in hadafka Xukuumadda DanQaran yahay horumarinta waxbarashada iyo la dagaalanka jahliga, sidaas awgeed Dowladdu goโ€™aansatay in saddex kun oo macallin ay qaadato kuwaasi oo ka hawlgeli doona gobollada dalka, isagoo intaa ku daray in xukuumadda ka goโ€™an tahay in kor loo qaado tirada ubadka Soomaaliyeed ee waxbarasho u dareerta.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax CabdulQaadir ayaa ka warbixiyey heerarkii qaadasho ee ay soo mareen saddexda kun ee macallin ee ku guuleystay imtixaannaadkii la qaaday.

Mudane Xamsa ayaa bogaadiyey wasaaradda waxbarshada iyo dhammaan macalimiintii imtixaanka qaadaysay sida daah furnaanta leh ee ay u maamuleen, taasi oo muujinaysa in hadda aynu ka sii gudbayno nidaamkii 4.5 ahaa ee wax lagu qaybsansan jiray, balse hadda aynu furnay wado cusub.

SHARE

LEAVE A REPLY