Madaxweynaha Soomaaliya oo si kulul uga jawaabay war kasoo baxay Puntland

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka jawaab celiyay hadalkii dhawaan kasoo yeeray dowlad goboleedka Puntland, kaaso ay diidmo uga muujiyeen arrimaha Shidaal Barista Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeedinayay Kulan uu la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Maraykanka ayaa sheegay in markii madaxda Soomaalida ay horay u qaadayaan arrimo la xiriira horumarka Soomaaliya ay jiraan dad dagaal adag kala hor imaanaya, hayeeshee u baahan tahay sabar xoogan.
Waxaa uu sheegay in mar walba ay muhiim tahay in geesimo la muujiyo oo aan la cabsan taasi ay qeyb ka tahay mushkilada Soomaaliya xilligaan heysta oo heysta dhibaatooyin kala duwan oo dhinaca siyaasadda.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ku badan tahay diidmo la xiriro arrimaha Shidaal barista, balse dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in waxkasta oo dalka fursad u ah in la furo si looga faa’iideysto ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweynaha Soomaaliya.
SHARE

LEAVE A REPLY