Gaadiid farabadan oo Maalintii Saddexaad ku xayiran Gobolka Mudug & maleeshiyaad heysta

0

Waxaa Maalintii Saddexaad oo xiriir ah maleeshiyaad hubeysan uu u xiran yahay Koontoroolka laga soo galo Magaalada Xarfo ee Gobolka Mudug, halkaas oo ay ku xayiran yihiin Gaadiid aad u farabadan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in maleeshiyaadka oo gadoodsan ay Barta Koontorool ku xayireen gawaarida waaweyn ee ka yimaada magaalada  Boosaaso halka kuwa yar-yar ee isaga kala goosha Gaalkacyo iyo Garowe ay maleeshiyadku weydinayaan in ay lacag bixiyaan.

Maleeshiyaadka oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan ayaa dhamaan xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Magaalada Xarfo ee Gobolka mudug, waxaana taasi ay keentay inay istaagaan gawaarida raashinka iyo Agabyada kala duwan kasoo qaada dekadda magaalada Boosaaso ee keena magaalada Gaalkacyo.

Madaxda Sare ee Maamulka Puntland iyo laamaha Amnia Gobolka Mudug ayaan weli ka hadlay tallaabadan ay qaadeen maleeshiyaadka hubeysan, waxaana socda dadaalo ay wadaan Odayaasha dhaqanka oo ay ku doonayaan inay xaliyaan xiisadda ka taagan magaalada Xarfo.

SHARE

LEAVE A REPLY