Ciidamada Amniga oo sheegay in ay la wareegeen xarumo Shabaab Muqdisho ku lahaayeen

0

Ciidamadda Amniga ayaa xiray toban qof oo ka tirsan  Alshabaab lana wareegtay xarumo qarsoodi ah iyo agab dagaal.

Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo ku duulayay xog sugan oo ay ka heleen shacabka Muqdisho ayaa qaaday hawlgal qorsheysan oo ay ku soo qabteen 10 qof oo ka tirsan  Al-Shabaab.

Dowladda ayaa sidoo kale la wareegtay saddex xarumood oo ay si dhuumaalaysi ah u joogeen, Gaadiid iyo Hub magaalada Muqdisho

Ciidamada ayaa hawlgal kan ku burburiyay shabakad ka tirsan Shabaab oo abaabulayay dilal iyo falal amniga lid ku ah.

“Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’antahay ciribtirka Argagixisada, una mahadcelinaysa shacabka Soomaaliyeed ee xogtaan la soo wadaagay, ayaa waxay ugu baaqaysaa dhalinyarada ay marin habaabiyeen aragagixisadu inay ku soo laabtaan dadkooda, iskuna soo dhiibaan dowladda” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda dhexe.

SHARE

LEAVE A REPLY