Man City oo markii ugu horeysay ku guuleystay Koobka Champions League

0

Kooxda Manchester City ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay koobka kooxaha horyaallada Yurub ee Champions League, kadib markii ay 1-0 ku garaacday Inter Milan ciyaartii kama-dambeysta ahed ee ka dhacday garoobka Ataturk Stadium ee magaalada Istanbul.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain Rodri ayaa daqiiqadii 68-aad ee ciyaarta shabaqa ku hubsaday goolka guusha.

Waxa ay City dhammeystirtay seddexleey, taasoo ka dhigtay inay noqoto kooxdii labaad ee Ingiriis ah ee saddex koob ku guuleysata kadib Manchester United oo sannadkii 1999 ku guuleysatay Premier League, FA Cup iyo Champions League.

Laakiin City, oo laba sano kahor koobkan ay ka qaaday kooxda Chelsea ayaa loo babab dhigi waayay awoodeeda sanadkan.

Tababaraha City Pep Guardiola ayaa haatan ku guuleystay seddex jeer koobka Champions League, waxaana uu ka dhigay 12 koob oo uu City la qaaday.

SHARE

LEAVE A REPLY