Ergeyga abaaraha Soomaaliya oo ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa doonaya inuu caalamka kusoo jeediyo wax ka qabashada dhibaatada abaraha ka jira Soomaaliya iyo in gargaar dheeri ah loo helo.
Cabdiraxmaan Cabdiraxamaan Cabdishakuur oo wareysi siiyay wakaalada wararka ee AFP, ayaa sheegay inay malaayiin qof halis ugu jiraan inay macaluul u dhintaan guud ahaan Soomaaliya.
Ergayga abaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay inay ka jirto abaartii ugu darnayd muddo afartan sano ah kadib afar xilli oo roobaadkii ay di’i waayeen, taasoo uu sheegay inay sababtay in xoolihii iyo dalaggii ay dhammaadaan.
“Waxaan halkan u joognaa olole aan ugu soo jeedineyno dareenkiinna dhibaatada baaxadda leh iyo heerka ay marayso masiibada bini’aadannimo ee Soomaaliya,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame u sheegeay wakaaladda wararka ee AFP.