Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa warbixin ka soo saartay qiimaynta hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.
Guddiga Sare ee Hey’adda IMF oo soo saaray warbixintaan ayaa sheegay in lasoo gabagabeeyay dib u eegistii 5aad ee uu ku sameeyay hannaanka la socodka sharuudaha Deyn cafinta Soomaaliya.
Warbixinta Hey’adda IMF ayaa lagu boogadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay ugu go’an tahay dadaalada lagu xoojinayo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, xoojinta wadashaqeynta kala dhexeysa Deeq-bixiyeyaasha calaamiga ah iyo Hey’addaha kale ee Deymaha waa wayn ku leh Soomaaliya.
Warbixinta IMF ay soo saartay ayaa lagu xusay in loo baahan yahay in lalabo jibaaro daadalada lagu dardargelinayo kordhinta Dakhliga gudaha si mudnaan loo siiyo beeqaaminta karashbixinta iyadoo la yareynayo bixinta kharashaadka aan daruuriga ahayn. Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo, Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka horumar laga sameeyay, hannaanka mideynta mushaar bixinta.
Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay warbixinta ka soo baxday Guddiga Sare ee Hey’adda IMF.
Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in warka ka soo baxay IMF uu yahay mid wanaagsan oo ku dhiirigalinayo in Dowladdu ay sii xoojiso arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Deyn Cafinta.
” Warbixinta ka soo baxday Guddiga Sare ee IMF waa war wanaagsan. Arrimaha dib-u-habeyntu waxa ku socdaan waddadii saxd ahayd, waxaana naga go’an inaan aragno guulo badan inkastoo oo ay jiraan caqabado”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu ammaanay in ay xoojisay Maamul wanaagga iyo hufnaanta iyadoo horumar laga sameeyay hannaanka Iibka Qandaraasyada Qaranka iyo heshiisyada ay Dowladdu gasho.