Xulka Qaranka Soomaaliya oo Galabta ku guuleystay Koobka Ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha ee Cecafa

0

Waxaa goordhaw soo gabagaboobay Ciyaar xiiso badneyd oo dhexmartay xulalka qaranka dalalka Soomaaliya iyo South Sudan ee da’doodu ka hooseyso 17-sano.

Xulka qaranka wadanka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa si rasmi ah ugu guuleystay galabta koobka ciyaaraha bariga iyo bartmaha Afrika ee Cecafa, kadib markii ay Soomaaliya ugu awood sheegatay dhigooda xulka qaranka South Sudan 3-1.

Ciyaartaan oo aheyd mida kama dambeysta ee Finalka ayaa ka dhacday mid ka mid ah garoomada kubadda cagta ee ku yaala magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa maalmihii lasoo dhaafay wacdaro aanan horay looga baran ka dhigaayay tartanka Ciyaaraha bariga iyo bartmaha ee Cecafa, waxayna horay uga soo badiyeen dalalka Itoobiya iyo Uganda ugu dambeyna galabta ayay koobkaasi ku guuleysatay Soomaalya kadib markii ay dalka South Sudan kaga adkaatay sadax gool oo ay Soomaaliya la timid iyo hal gool oo ay la yimaadeen cyaartoyda South Sudan.

SHARE

LEAVE A REPLY