Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabdifitaaq Qaasim Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in 14 Sarkaal oo uu ku jiro Taliyihii Kulliyadda Jaalle Siyaad loo xiray Qaraxii dhawaan ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho.
Hadalkaan ayuu ka sheegay Wasiirka kulan maanta ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu horkacayay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.
Wasiir ku xigeeka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo la hadlay Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa caddeeyay in lala xisaabtami doono dadkii ku lugta lahaa falkaas, isla markaana sharciga la horgeyn doono.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu 24 saac daba gal ku hayey xogta weerarkaan, isaga oo sheegay in dhawaan la horgeen doona Maxkamadda Saraakiisha ku lug lahaato weerarkaan.
Bartamaha todobaadkii hore Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa isku dhex qarxiyay safaf dhaadheer ay ku jireen ciidamo ka tirsanaa guutada taliska 14-ka October oo fadhigoodu yahay Magaalo xeebeedka ee Marka oo ah xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.