Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisay in Al-shabaab 2000 ka badan laga dilay afartii bilood ee lasoo dhaafay

0

Raysal wasaaraha Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay xaalada amniga dalka iyo cunaqabteynta hubka ee mudada dheer saaran Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay hoolka shirarka Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Gaashaandhiga iyo Amniga Gudaha, kuwaas oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ee ka socda gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay ka go’an tahay la dagaalanka iyo ciribtirka kooxda Al-shabaab.

“Hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ayaa lagu dilay in ka badan 2000 oo maleeshiyaad Khawaariij ah afartii bilood ee u dambeysay.Waxaa kale oo uu sheegay in xukuumaddu dadaal gelin doonto sidii ay ugu guulaysan lahayd in dalkeenna laga qaado cuna-qabateynta hubka” ayaa lagu qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Shirkaan ayaa sidoo kale lagu soo jeediyay dhisitaanka guddi ka kooban laba heer oo kala ah guddi fulin iyo guddi farsamo oo ka shaqeyn doona fulinta bartilmaameedyada qorsheysan ee dowladda Soomaaliya ku xaqiijinayso in dalka si dhameystirsan looga qaado Cunaqabataynta hubka, taasi oo lagu fulinayo muddo sanad gudaheed ah.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale lagu gorfeeyey hindise sharciyeedyada Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka, hindise sharciyeedka la dagaalanka kooxda Al-shabaab iyo hindise sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya.

Kulankaan looga hadlay amniga guud ee dalka iyo cunaqabteynta Al-shabaab ayaa imaanaya, iyadoo saakay aroornimadii hore Kooxda Al-shabaab ka geysteen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan laba qarax oo Ismiidaamin ah oo galaaftay nolosha dad ka badan 15 ruux oo u badan dad shacab ah.

SHARE

LEAVE A REPLY