Xukuumadda Soomaaliya oo Qaramada Midoobay kala hadashay dadajinta gurmad gaarsiinta deegaanadii laga saaray Al-shabaab

0

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo wasiiru dowlaha Wasaaradaas Ilyaas Cali Xasan ayaa Maanta kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee dhanka gargaarka iyo Bani’aadanimada Adam Abdelmoula.

Kulanka ayaa ahaa mid ay uga hadleen labada dhinac sidii hay’addaha hoostaga Qaramada Midoobay u dadajin lahayeen balanqaadyadii ay horay u sameyeen ee la xariiray wax ka qabashada abaaraha daran ee saameyay dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolada dalka.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlayay kulanka ayaa ku dheeraaday sharaxaada xaaladaha bani’aadanimo ee xiligaan ka taagan gudaha dalka iyo sidii gargar deg deg ah loo gaarsiin lahaa deegaanada dhawaan laga saaray gacanta Al-shabaab oo ay ka jiraan xaaladaha ugu daran.

Ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xogheyaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee qaabilsan isku duwista arrimaha gargaarka iyo bani’aadnimada Adam Abdelmoula ayaa dhankiisa balanqaaday inuu kaalin ka qaadanayo gargaarka loo raadinayo qoysaska Soomaaliyeed ee abaaruhu saameyeen.

Kulankaan ayaa imaanaya, iyadoo Qaramada Midoobay ay horay u sheegtay in ey gacan ka geysaneyso gargaar u helista ku dhowaad 10 Milyan oo qof oo ay ku haysato gobolada dalka cunno iyo biyo la’aan, kuwaas oo intooda badan soo buux dhaafinaayay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay xeryaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah.

SHARE

LEAVE A REPLY