Xukuumadda Soomaaliya oo kulan deg deg ah ka yeelatay Xaalada Baleedweyne

0

Raysal wasaaraha Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shir guddoomiyay shir deg deg ahaa oo looga hadlaayay amniga, kaasoo diirada lagu saaray xaalada magaalada Baledweyne oo Maanta ay ka dhaceen sadax qarax oo Ismiidaamin ah oo geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo baaxad weyn.

Kulanka waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo lataliyaha dhanka amniga ee Raysal wasaare Xamse, waxaana looga arinsaday sidii gurmad deg deg deg ag loola gaari lahaa shacabkii Maanta ku waxyeeloobay qaraxyadii Baledweyne ka dhacay.

“Qaraxyada kooxda nabad-diidka ah ay ka geysteen Beledweyne ay tusaale u yihiin inay u babac dhigi waayeen awoodda ciidamada kula dagaallamaya furimaha, ay beegsanayaan shacabka birimageydada ah ee ku dhaqan magaalooyinka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal wasaare Xamse.

Waxaa sidoo kale kulanla lagu lafa guray xaalada howlagalada ka socda dalka ee ka dhanka ah Al-shabaab ee ay wadaan ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka halka ay marayaan iyo sida ay muhiim u tahay in howlgaladaasi ay noqdaan kuwa guuleysta.

Kulankan deg deg ahaa ayaa imaanaya xili Maanta magaalada Baledweyne ay ka dhaceen ilaa sadax qarax oo Ismiidaamin ahaa oo ay ku dhinteen masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Caafimaadka Hirshabeelle Dr Sakariye Maxamed Axmed, Xildhibaan Geelle Isaaq Warsame oo ka mid ahaa Golaha Baarlamaanka Hirshabeelle iyo Gudoomiye ku Xigeenkii Maaliyadda iyo Siyaasada gobolka Hiiraan Abuukar Maadey iyo dad kale oo shacab ahaa.

Majirto wali wax faahfaahin rasmi ah oo kasoo baxay Maamulka Glgobalka Hiiraan iyo kan Hirshabeelle oo ku aadan khasaaraha ka dhashay qaraxyada Maanta inta uu la’eg yahay, waxaana masuuliyadda weerarada qaraxyada sheegtay Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka geesata guud ahaan giallada Dalka.

SHARE

LEAVE A REPLY