Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo qorsheysan oo ay Xalay ciidanka dowladda ka sameeyeen degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, kaasoo lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo waxyabaaha maanka dooriya.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Booliska qeybta guud ee gobolka banaadir ayaa lagu sheegay in howlgalka loogu magac daray Ciiltire ay ciidanka kusoo qabteen laba nin oo lala xariiriyay iney ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab.

“Howlgal ka dhacay degmada Howlwadaag ayaa lagu soo qabtay 2 eedeysane oo la rumeysanyahay iney Khawaarij yihiin” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliiska gobolka Banaadir.

Qoraalka Booliiska gobolka Banaadir ayaa sidoo kale lagu sheegay in cidamada ay howlgalkaasi ay kusoo qabteen maan dooriye isugu jira Qamri, Calaq iyo qof ku eedeysan inuu waday maan dooriyaha.

“Ciidanka Amaanka ayaa caawa fiidkii howlgalka Ciiltire ku soo qabtay Maandooriyaha (Qamri iyo Calaq) Dagmada Holwadaag, gaar ahaan Waaxda 2-aad ee Saqawadiin. Howlgalka Ciiltire ee Ciidanka Boliiska, NISA iyo Polizia Militare ayaa ujeedkiisu yahay Xaqiijinta Amniga, Ciribtirka Khawaarijta, Burcadda Iyo Maandooriyaha. Sidoo kale, waxaa lala soo qabtay eedeysanihii waday maan dooriyaha” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Taliska Booliiska gobolka Banaadir.

Ciidamada Boliiska, NISA iyo Polizia Militare ayaa bilahii lasoo dhaafay degmooyinka magaalada Muqdisho ka waday howlgalo culus oo wax badan ka badalay amaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

SHARE

LEAVE A REPLY