Xogta heshiiska TPLF iyo dowladda Itoobiya

0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhawaynaysay ku dhawaaqista heshiiskii nabadeed ee ay wada gaadheen Dawladda Federaalka Itoobiya iyo Jabhadda Tigreega ee lagu soo afjaray colaadihii hubaysnaa.

Dowladda Soomaaliya waxay carabka ku adkeeysay in heshiiskani uu ka dhabeynayo himilooyinka shacabka Itoobiya ee ku aaddan horumarka,barwaaqo iyo midnimo.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadisay dadaallada Midowga Afrika ee taageerada qiimaha leh ee wada-hadallada nabadeed, waxay ugu hambalyeysay Jamhuuriyadda Koonfur Afrika martigelinta wada-hadallada nabadeed, iyo doorka wanaagsan ee Jamhuuriyadda Kenya ay ku leedahay heshiiska lagu kordhinayo xasilloonida Itoobiya iyo gobolka.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay carrabka ku dhufatay muhiimadda heshiiska, waxayna si joogta ah u taageertaa Itoobiya oo nabad ah, dhaqaale ahaan horumarsan iyo Geeska Afrika oo ka caagan colaado hubaysan.

Dawladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay rajaynaysaa in heshiiskan “Xalka Afrika ee mushkiladda Afrika” uu dhabaha u xaaro dib-u-heshiisiin dhamaystiran oo Itoobiya iyo Itoobiya ah oo gebi ahaanba soo afjaraysa colaadda, colaadaha gudaha iyo rabitaanka gooni-goosadka, wax walbana kor u qaadi doono barwaaqo, kobac dhaqaale Itoobiya gobolka iyo meelo kale. Maadaama tubta nabadda ay ka buuxaan caqabado u baahan dadaal dheeri ah, go’aan qaadasho iyo kalsooni, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay ku taageeri doonaan heshiiskan inuu noqdo xal waara iyo cashar laga barto.

SHARE

LEAVE A REPLY