Xog ku saabsan Siyaasi caan ah oo lagu dilay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay kooxo hubeysan ugu geysteen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir mid ka mid ah siyaasiyiin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Sabriye oo loo yaqaanay Guuleyste.

Dilka Marxuum Guuleyste ayaa la sheegay iney geysteen rag bastoolado ku hubeysna xili uu Marxuumka ku sugna Waaxda Timacade ee degmada Wadajir, iyadoo dableyda dilka geysatayna ay si deg deg ah uga baxsadeen goobta.

Dilka Siyaasi Guuleysta kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo halkaasi baaritaano kooban ka sameeyay, hayeeshe lama sheegin wax natiijo ah oo kasoo baxay baaritaankooda.

Allah u naxariiste Marxuum Maxamed Xuseen Sabriye Guuleyste ayaa ka mid ahaa Musharaxintii u tartamay kursiga sumadisu yahay Hop 33, kaasoo uu haatan ku fadhiyo Xildhibaamln Yuusuf Kabaale.

Si kastaba ha ahaatee dilka Marxuumkaan ayaa imaanaya, iyadoo maalmihii u dambeeyey magaalada Muqdisho ay kuso kordhayeen dilalka qorsheysan ee loo geysanayo qaar ka mid ah dadka ka dhex muuqada bulshada reer Muqdisho.

SHARE

LEAVE A REPLY