Xog ku saabsan sababta madaxweynaha Soomaaliya looga hor istaagay Safar uu ku tagi lahaa dalka Ingiriiska

0

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu waday inuu Maanta u safro magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska si uu uga qeyb galo xaflada caleemo saarka Boqorka cusub ee UK in laga joojiyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii hore ka mid ahaa madaxda loo diray casuumadda ee la qorsheeyay in ay ka qeyb galaan xaflada caleemo saarka Boqorka UK, hasa ahaatee waxaa mar kale la joojiyay casuumaddii loo soo diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida wararku sheegayaan dowladda Ingiriiska ayaa farriin ay usoo dirtay madaxtooyada Soomaaliya oo ku wargalisay in laga laabtay casuumaddii ay u fidiyeen Xasan Sheekh lagana saaray liiska xubnaha ka qeyb galaya munaasabada caleemo saarka, inkastoo warkaasi aysan wali ka hadlin madactooyada Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska sababta ay uga laabatay casuumadda madaxweyne Xasan markii hore u fidisay ayaa la sheegay in sabab u tahay in Soomaaliya kamid tahay dalalka UK xanibaada safarka saartay ayna si toos ah diyaarad Muqdisho uga tagtay London u tagi karin.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa horey uga qeyb-galay aaskii Boqorada UK, waxaana xusid mudan in xilligaasi madaxweynaha uusan dalka joogin uuna kasii safray dal kale uu howlo shaqo u joogay.

SHARE

LEAVE A REPLY