Xildhibaan Ilhaan Cumar Soomaaliya waxay ku jirta waqtigii ugu adkaa

0

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka hadashay Munaasabad soo dhaweyn ah oo uu u sameeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, waxa ay madasha ka sheegtay in Soomaaliya ay ku jirto waqti wanaagsan.

Ilhaan ayaa madaxda Dowladda Federaalka ku bogaadisay doorka ay ka qaadanayaan dardargelinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ oo ay sheegtay in dhul badan laga qabsaday muddo kooban.

Waxa ay dul istaagtay sheeko dhexmartay iyada & Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre maalmihii ugu horreeyay ee uu xilka qabtay taas oo ah in uu u sheegay in awooddiisa uu gelinayo sidii ‘AS’ looga qabsan lahaa deegaannada ay joogaan si loo xoojiyo amniga.

“Soomaaliya waxa ay hadda ku jirtaa sida loo sheegay waqtigii ugu fiicnaa, Ra’iisul Wasaaraha markii uu shaqada billaabay ayaa fursad u helay in aan is wareyso oo waxa aan dhahay ‘Maxay tahay shaqada ugu horreysa in aad gasho’ waxa uu igu dhahay Ilhaan waxba lama qaban karo haddii aan dagaal lala gelin Dadkaan waddanka Kansarka ku noqday, waxa aan ku dhahay, Isma dhahayn waqti aad u yar in uu guul weyn ku gaarayaan isaga & madaxda Dowladda Soomaaliya waana uga mahadcelinayaa” Ilhaan Cumar.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in Dad badan ay u sheegeen markii ay usoo socdaaleysay Soomaaliya in lagu wargelinayay in ‘Qaraxyo badan & weeraro ka dhan ah Amniga ay dhacayaan balse wixii loo sheegay wax ka duwan aragtay’ waa sida ay hadalka u dhigtay.

“Hadda markii aan soo socday waxaa la yiri waa waqtigii ugu xumaa waddanka oo qarax badan ayaa ka dhacaayo oo dagaal ayaa ka socda meel weliba balse alle mahadi waxaa ii suuragashay in Garoowe illaa bardar-beela gaari ku tago oo Muqdisho ku casheeyo aniga oo la jooga Madaxda Dalka ugu sarreysa” Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Haweeneydaan xubinta ka ah Congress-ka Mareykanka ee Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in socdaalkeeda Soomaaliya ay cagta ku marineyso deegaanno kala duwan oo Gobollada Dalka si ay u qiimeyso xaaladaha halkaas ka jira.

SHARE

LEAVE A REPLY