Xeer ilaalinta Puntland oo amartay in la soo xiro afar siyaasi oo caan

0

Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowlad-Goboleedka Puntland Axmed Yusuf Taaraan ayaa Warbaahinta la wadaagay Waaran lagu soo qabanayo Afar Mas’uul oo kala ah:

1-Khadar Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo ah Ergayga gaarka ah ee Ganacsiga Heer Caalami & Maalgashiga ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2-Xasan Shire Cabdi Abgaal, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Dowlad-Goboleedka Puntland.

3-Maxamuud Warsame Faarax Shiddo, Wasiirkii hore ee Qorsheynta Dowlad-Goboleedka Puntland.

4-Maxamed Jaamac Faarax oo kamid ah Siyaasiyiinta doorka firfircoon ku leh siyaasadda Dowlad-Goboleedka Puntland.

Xeer ilaaliye Axmed Yuusuf Taaraan ayaa sheegay in ay ku dhaqaaqeen xubnahaan “Khalkhal gelin Amni” iyaga oo ‘Abaabulay’ weerar lagu qaaday Sanaadeeq loogu talagalay in lagu codeeyo waa sida uu hadalka u dhigay.

“Xeer Ilaalinta Puntland waxa ay soosaartay amar soo qabasho afartaan eedeysane oo kala ah, Khadar Cabdiraxmaan Faroole, Xasan Shire Cabdi Abgaal, Maxamuud Warsame Faarax Shiddo & Maxamed Jaamac Faarax. 16kii May 2023 waxaa xafiiska soo gaaray taar ka warramaya dhacdadii habeen kahor ka dhacday agagaarka Garoonka Diyaaradaha Garoowe oo ah in Burcad hubeysan ay weerartay Ciidan siday sanaadiiqda codbixiyaasha ee Gobollada Bari & Sanaag” Ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha guud ee DG Puntland.

Axmed Yuusuf Taaraan, Xeer Ilaaliyaha guud ee Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegay in Raggaan qaarkood xilalka haya ay ku eedeysan yihiin in ay ka dambeeyeen dambiyadaan si loo gaarsiiyo Maxkamad warqad waaran ah loo jaray Ciidamada Booliiska.

Lex Qodob ayuu Xeer ilaaliyuhu sheegay in ay galeen afarta Eedeysane ee kor ku xusan, waxa uu intaas ku daray lagula xisaabtami doonno eedaha loo jeediyay lana horgeynayo Maxkamadda awoodda u leh waa marka gacanta lagu soo dhigo.

Puntland waxaa ka jira khalasaase salkiisu yahay qaabka uu Doorashada Dadweyne u maamulayo Maamulka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, Mucaaradka ayaa ka digay rabshado ka dhasha Muranka taagan haddii aan xal loo helin.

SHARE

LEAVE A REPLY