Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo ka warbixiyay ciidamada Maanta Muqdisho la keenay

0

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa shaaciyay inay maanta dalka kusoo laabteen qaar katirsan ciidamada Soomaaliyeed ee tababarka kusoo qaatay dalka Eritrea.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa maalmo kahor sheegay in dhammaadka bishaan December ay billaabanayso keenista ciidamada Eritrea ku maqan, isagoo tilmaamay qeybta ugu dambeysa inay imaan doonaan bisha koowaad ee sannadka cusub.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa sheegay in ciidamadan ay ka qeyb qaadan doonaan howlgallada dalka looga xoreynayo kooxda Alshabaab, howlgalladaas oo hadda laga gaaray guulo waawayn oo taariikhiya.

“Alxamdulillaahi, maanta ayay suuragashay inay qeybtii ugu horreysay dalka kasoo dagto. Waxay dhabar jab ku tahay Khawaarijta, iyo cid walba oo nabadda iyo dalka guud ahaan dhib ku haysa,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka waxaa uu sheegay inay dowladda Soomaaliya ka go’an tahay dib u xoraynta dalka, iyo inay sidii waddo, tababarada iyo tayaynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo kaalin mugleh ka geysteen la dagaalanka Alshabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY