Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa ka hadlay hadal heyn badan oo ka dhalatay saacadahii lasoo dhaafay gabar magaca Soomaaliya Ku meteshay tartanka orod gaaban oo ka dhacay dalka Shiinaha.
Nasra Abuukar Cali oo ku tartameysay orodka 100ka mitir ayaa weji gabax iyo fadeexad u soo hoysay Somalia ka dib markii ay noqotay qofka u dambeeya isla markii uu bilowday orodka, iyadoo ku guuldareysatay iney wax la qeybsato orodyahanadii kale ee tartanka kula jiray.
Gabadhan ayaa u muuqatay ineysan u diyaarsaneyn ka qeyb galka tartan orod noocan ah marka la eego haweenka ay la tartameysay oo si weyn uga dheereeyey, waxaana ka muuqatay culeys ka dhashay miisaankeeda iyo xirfad la’aan.
Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradiisu aysan waxba kala socon qaabka loo soo xulay iyo sida ay ugu suuragashay iney ka qeyb gasho tartankan, isagoo xusay inuu aad uga xun yahay sida ay wax u dhaceen.
“Inkastoo ay magaca Somalia ku tartameysay hadana ma aheyn tartankan mid heer qaran ah ee waxaa uu ahaa mid loo qabtay Jaamacadaha sidaas awgeed Wasaaradau door kuma laheyn qaabka loo soo xulay iyo wadiiqada loo maray” ayuu yiri wasiirka oo xusay inuu socdo baaritaan iyo dabagal ay Wasaaradu ku heyso arrintaas.
Waxaa uu sheegay in orodyahanada loo dirayo tartankan ay aheyd iney gudaha dalka marka hore ku tartamaan dhalinyaro laga soo xulay Jaamacadaha ka dibna ciyaartoyda tartankaas ku guuleysta loo diro tartankan caalamiga ah balse taas uma maleynayo iney dhacday” ayuu yiri Wasiirka.
‘’Waa inay ka digtoonaadaan Xiriirada Ciyaaraha dalka sida aan munaasabka ahayn oo ay ciyaartooyda kusoo xulaayaan Orodkii Galabtay China ka dhacana waan kala xisaabtami doonaa cidii ay quseeyso insha alah ’’ayuu yiri Wasiirka.
Caro xooggan iyo falcelin adag oo ka dhalatay guuldaradan yaabka leh ayaa qabsatay baraha bulshada, iyadoo arrintan ay noqotay fadeexad si weyn loo hadal hayo.
Inastoo aysan aheyn markii ugu horeysay ee ciyaartoy Soomaali ah ay guuldaro ka keenaan tartamo caalami ah haddana guuldaran ayaa lagu tilmaamay iney tahay tii ugu xanuunka badneyd ee magac Soomaaliyeed lagu galo.