Wasiirka Cadaaladda xayiraada dhaqaalaha shabaab waa qeyb ka mid ah la dagaalanka Musuqa

0

Wasiirka Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Xasan Macalin ayaa sheegay in dagaalka Dowladda Federaalka ee dhanka Dhaqaalaha ee ‘AS’ ay saartay uu qayb ka yahay la dagaalanka Musuqa.

Wasiir Xasan waxa uu tilmaamay in Xukuumadda Federaalka ay xoogga saartay dhaqangelinta cunaqabateynta dhaqaalaha ‘AS’ oo si weyn u hirgelay lagana hortagay in dhaqaale badan ay helaan waa sida uu hadalka u dhigay.

Lacag dhaqista & Maalgelinta waxa loogu yeero ‘Argagixisada’ ayuu sheegay Wasiirka Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka XFS Xasan Macalin in dagaalkaas ay ku qaadday Dowladda Federaalka lagu guuleystay.
“Dagaalka & tillaabooyinka laga qaadayo lacag dhaqitaanka iyo maalgelinta Argagixisada waa qayb kamid ah la dagaalanka Musuq-maasuqa, dagaalkaas waxa uu cuuryaamiyay ama uu cunaqabateyn ku sameeyay in ay Argagixisadu hesho maalgelin iyada oo ku dhex shaqeynsaneysa Hay’adaheenna, waa Xirfado & habab wada lagula dagaalamayo aragagixisada, waxa uu ka kooban yahay labo hab oo mid waddani ah & mid caalami ah” ayuu yiri Wasiirka Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka XFS.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer waxa ay horay u sheegtay in ay xayirtay Teleefanno & Koontooyin ay leeyihiin ‘AS’ oo lacago ku jireen isla markaana ay ka qaadaan Shacabka waa sida ay hadalka u dhigtay.

SHARE

LEAVE A REPLY