Wasiirka amniga oo sheegay in dowladda diyaarisay 15 kun oo askari

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay diyaarisay 15 kun oo askari oo qeyb ka noqonaya wajiga labaad ee dagaalka dalka looga xureynaayo kooxda Al-shabaab.

Wasiir Doodishe ayaa tilmaamay in 7-dii bilood ee la soo dhaafay lagu diyaariyay lana qalabeeyay 15 kun oo askari, isagoona xusay iney sabab u aheyd hakadka mudadaasi ku yimid howlgaladii dardarta ku socday ee ka dhanka ahaa Al-shabaab tababarka, diyaarinta iyo qalabeynta ciidamada.

Wuxuu xusay wasiirka amniga Soomaaliya in haatan ciidamadaasi loo diray furumaha hore ee dagaalka, islamarkaana ay ku biireen ciidamada dowladda ee horay ugu sugnaa furimaha hore ee dagaalka lagula jiro Ururka Al-shabaab.

“7-dii bilood ee lasoo dhaafay waxaa lagu diyaariyay oo lagu tababaray laguna qalabeeyay ciidamo gaaraya 15 kun oo qeyb ka noqonaya dagaalka Shabaab, 7-daas bilood waxaa lagu jiray diyaargarow, Dadku waxa ay inta badan is weydiinayaan maxaa is daajiyay dagaalka” ayuu yiri Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in kooxda Al-shabaab laga xureeyay in ka badan 80 deegaan oo ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed.

Gabagabdii wasiir Doodishe ayaa sido kale sheegay in dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ka gungaarista dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, islamarkaana uu soo gabagaboobay wajii koowaad, haatana lagu jiro abaabulka wajiga labaad ee dagaalka.

SHARE

LEAVE A REPLY