Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cali Doodishe oo faah-faahin ka bixiyay isbaddelka Amni iyo qorshaha cusub ee Wasaaraddaas ku howlan tahay ayaa sheegay in isbaddel weyn oo dhanka nabadgalyada ah uu jiro.
Wasiir Maxamed Doodishe Waxa uu tilmaamay in Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka ay diiradda saartay shaqada ugu horreysa ee Xukuumadda ‘Dan Qaran’ ee Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ah xoojinta nabadgalyada.
Doodishe ayaa shaaciyay in shaqo badan la qabtay si loo sugo amniga guud ee Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho sida dib u hagaajinta, tayeynta, tababarrrada, Diyaarinta Ciidamada iyo howlo kale oo dhammaan suurageliyay in amniga uu wanaagsanaado.
“Guud ahaan xaaladaha Amniga Dalka wuu fiican yahay, kasoo billow Muqdisho iyo Magaalooyinka waaweyn, shaqo badan ayaa laga qabtay si loo helo Amni shaqo adag ayaa la qabtay” ayuu yiri Wasiirka Amniga XFS Maxamed Sheekh Cali Doodishe.