Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo booqdey Isbitaalada la geeyey dadkii ku dhaawacmey Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho gaar ahaan albaabka hore ee Wasaaradda Waxbarashada.
Wasiirka ayaa Maamulka iyo dhaqaatiirta Isbitaalada Digfeer iyo Madiina ka dhageystey warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyada halka Maamulka Isbitaalada gaarka loo leeyahayna uu qadka Telfoonka kula xiriirey si uu uga xog wareysto xaaladda dhawacyada la gaarsiiyey xarumahooda Caafimaad.
Wasiirka ayaa dhaawacyada yaala Isbitaalada Madiina iyo Erdogan Ex Digfeer u dul istaagey mid mid waxa uuna Maamulka iyo Dhaqaatiirta farey in ay hellaan adeeg Caafimaad oo dhameystiran si cadowga loo tuso in dadkan aysan waxba katari karin talaabo kasto oo guracan oo ay qaadaan.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa dhaawacyada Alle ugu baryey in Caafimaad deg deg ah siiyo, sidoo kalena sheegey in Wasaaradda Caafimaadka ay si hoose ugu warqabi doonto talaabooyinka la xiriira baxnaanintooda.
Ugu dambeyna Dr Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caaafimaadka Soomaaliya ayaa sheegey in Wasaaradda ay ka shaqeyn doonta dadka u baahan in ay hellaan Caafimaad banaanka ah sidii ay ku helli lahaayeen Caafimaad dibadda ah maadaama kiisas u baahan dibadda ay jiri karaan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay khasaaraha ka dhashay qaraxyadii Is-miidaaminta ahaa ee shalay lagu weeraray Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka iney tahay dhimashada 100 ruux iyo dhaawaca 300 oo qof.