Wasaaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo fariin muhiim ah u dirtay Ardaydii kasoo qaxday Suudaan

0

Muqdisho iyo magaalooyin kale waxaa dib loogu soo celiyay qaar kamid ah ardaydii Soomaaliyeed ee waxbarashada u joogay dalka Sudan , kuwaa oo isaga soo cararay dalkaasi uu ka qarxay dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga iyo kuwa RSF.

Ardaydii Soomaaliyeed ee ku nooleed dalka Sudan ayaa qaarkood u qaxeen waddamo daris la ah Sudan , halka qaar kamid ah ardaydaasi oo gaaray dalka Itoobiya dib loogu celiyay Soomaaliya gaar ahaan magaalooyinka Muqdisho iyo Garawe.

Wasaarrada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku war-galisay ardayda Soomaaliyeed ee kasoo carartay colaada Sudan in ay yimaadaan wasaaradda ayna keensadaan Dukumintigooda iyo wax walba oo caddeyn u ah heerka ay mareysay waxbarashadooda.

”Waxaan ogeysiineynaa ardaydii wax ka baraneysay Dalka Suudaan ee Waddanka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu saameeyey dagaalkii ka dhacay dalkaasi, in ay yimaadaan Wasaaradda Waxbarashada, gaar ahaan waaxda Tacliinta Sare ayna keensadaan Dukumintigooda iyo wax walba oo caddeyn u ah heerka ay mareysay waxbarashadooda si loogu fududeeyo in ay dalka gudihiisa ka dhameystaan waxbarashada” aya alagu yiri qoraalka wasaaradda kasoo baxay.

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ku baraneysay dalka Sudan qaarkood ayaa ku jira waxbarashadooda heer gebo gebo ah, halka qaar kale oo ardayda kamid ahna heerar kala duwan waxbarashada iyada oo u mareysay kasoo carareen dalka Sudan uu dagaal ka qarxay.

SHARE

LEAVE A REPLY