Wararkii ugu dambeeyay qabashada degmada Ceel buur

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinkii lixaad ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug, halkaas oo uu ka wado abaabulka howl-gal lagu soo afjarayo argagixisada ku sugan qeybo kamid ah gobollada dhexe.

Ceelbuur waa bartilmaameedka ugu weyn ee dagaalka, halkaas oo ah magaalada ugu weyn ee hadda ku jirta gacanta argagixisada.

Wararka ka imaanaya degmada Ceelbuur iyo nawaaxigeeda ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay billowday in madaxdooda ka saaran deegaanadaas. Sidoo kale xaasaska iyo caruurta madaxda argagixisada ayaa si tartiib ah uga guuraya deegaanka.

Qaar kamid ah madaxdii maleeshiyaadka deegaanadaasi joogtay ayaa lasoo wariyay in iyagoo qaxa ah gaareen Jubbooyinka. Waxa kale oo wararka deegaanadaasi ka imaanaya ay sheegayaan in kooxda weli ku heshiin la’dahay inay ku dagaalamaan deegaanka iyo inay iska baneeyaan.

Dhowr magaalo oo laga qabsaday dhowr billood kahor ayay dagaal la’aan ka baxeen, maadaama ay xoogan yihiin wararka la xiriira in duqeymo loo adeegsan doono deegaanadaasi waxay u badan tahay in aysan dagaalami karin, ayay leeyihiin khubarada amniga.

In la qabto degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ma adkaan doonto, mana ahan qodobka hadda sida weyn looga arrinsanaayo laakiin arrinta u baahan in si fiican loo darso oo qorshe fiican loo dhigo waa qaabka loo hayn doono deegaanka.

Waa mid kamid ah waxyaabaha uu madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlayo beelaha deegaankaas. Horay mar ayaa argagixisada looga saaray Ceelbuur xilli xukunkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh laakiin waxaa lagu guul-dareystay in waqti badan la’haayo degmada, dadkana loo abuuro fursad ku qasbeysa inay kusoo laabtaan guryahooda oo ay argagixisada iska celiyaan.

Markale su’aasha aadka la isku weydiinayo waa qabashada kadib ma la hayn karaa magaalada iyo deegaanada ku teedsan. Inta aadan Haa iyo Maya midna oran horta isweydii yey u taalla in deegaanka la hayo.

Shaqadan waa mid u taalla maamulka Galmudug iyo beelaha deegaanadaasi degan. Haddii dowladda federaalka ah iyo ciidankeeda ku guuleystaan inay Ceelbuur iyo deegaanada ku dhowdhow ka saaran argagixisada, waxay masuuliyadda u wareegaysa maamulka Galmudug iyo beelaha halkaa degan.

Sidaas awgeed qabaa’ilka halkaa ka soo jeeda waxaa laga raba inay hadda usii diyaar-garoobaan oo ay dejiyaan qorshihii ay dhulkooda ku haysan lahaayeen markii laga dulqaado argagixisada. Taas oo u baahan mowqif, diyaar garow xoog leh iyo iskaashi bulsho.

SHARE

LEAVE A REPLY