Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii ugu qaraara oo Maanta ka dhacay deegaanka Jiciboow

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo xoogan oo Maanta ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Jiciboow oo qiyaas ahaan 30 KM degmada Buulaburte kaga beegan dhinaca Waqooyi.

Dagaalka Maanta ka dhacay deegaanka Jiciboow ayaa la sheegay inuu qaatay saacado badan, kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka uu yimid kadib markii Ciidamada is garabsanaya ay weerar ku qaadeen deegaanka Jiciboow oo la tilmaamay in Al-shabaab dhaqdhaqqayo kala duwan ka wadeen.

Wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya Khasaaraha dhashay dagaalka Maanta ka dhacay Jiciboow waxay sheegayaan in ku dhawaad 10 ruux oo dhinacyada dagaalamay ah ay ku geeriyootay dagaalka, islamarkaana dhaawaca uu intaasi ka badan yahay, hayeeshee ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan khasaaraha kala gaaray.

Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa lasoo warinaya in haatan gacanta si buuxdo ugu hayaan deegaanka Jiciboow, waxaana lasoo sheegaya in shabaabkii laga saaray deegaanka aysan wali ka fogeen nawaaxiga deegaanka, islamarkaana labada dhinacba galinkii dambe ee Maanta soo kala gaareen gurmad ciidan.

Dagaalkan ka dhacay deegaanka Jiciboow ayaa qeyb ka ah howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo mudooyinkii dambe ay ka wadeen deegaanada gobolka Hiiraan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka, waxaana xusid midan in Shabaab howlgaladaasi looga saaray inta badan deegaanadii ay kaga sugnayeen gobolka Hiiraan.

SHARE

LEAVE A REPLY